In dawlada Ethiopia xusto dagaalkii 1977, cabirto Aragtidooda ku aadan dagaalkaas, guulna sheegato wax dhib ah uma arko. Dagaalkii 1977 waa dhacdo ku suntan taariikhda caalamka. waxaase aad ii dhibeysa nasiibdarada kuhabsatay umada soomaaliyeed ee aan wali garan in taariikhdu labo carab leedahay. Hadaba,kuwa kudoodayo maxuu abiyi axmed uxustay dagaalka oo uu guul usheegtay, waxaa ka habooneyd inay ayagu is weydiiyaan waxa soomaalidu uxusi weyday dagaalka, jabkii kudhacay Ethiopia gunship dagaalka iyo geesiyadii naftood hurayaasha ahaa ee ku dhintay dagaalka. |
|